Daawo: Cabdi Good Oo Loo Sheegay In Abwaan Cabdul Qaadir Xirsi Yam-Yam Uu La Mid Yahay Gaariye Iyo Hadraawi

0

London (AGGM) Cabdi Good oo ah soo saaraha barnaamij ka baxa TV-ga Somali Channel ayaa shaac ku noqday muran iyo isqabqabsi xoogan.

Cabdi Good ayaa maalmahan lagu eedeynayay in uu ku xadgudbayey suugaanta Soomaalida, isaga oo si qaldan u fasira, dadka ka soo horjeeda waxay ku eedeeyeen Cabdi Good in uu qubxi, qabyaalad iyo isir neceeb ah u macneeyey suugaan iyo heeso badan oo Soomaali ah, oo ay sammeeyeen Abwaano magac iyo meeqaam weyn ku leh Umadda Soomaaliyeed.

Cabdi Good oo dadka aad u yaqaaniin tilmaameen inuusan Af Soomaali iyo Suugaanba shaqo ku laheyn oo yahay Goolyahihii gobalka Togdheer isla markaana caan ku noqday Marfishyada London oo qabyaalad iyo isir-neceeb xun kaga qeylin jiray balse sameystay barnaamij uu ugu magac daray Isir-raaca Af Soomaaliga oo minco hoose ah uu isaga ka leeyahay oo ah Isir-Neceebka Qabiilo Gaar Ah Oo Soomaaaliyeed Iyo Shaqsiysaad “ISIR NACEEB”.

Heesaha Cabdi Good ku xad-gudbay waxaa ka mid ah heeska GUULEED MA JOOGAA oo ka mid ah heesaha loogu jecel yahay kuwa Soomaalida, oo uu alifay allaha u naxariistee Abwaan Cabdul Qaadir Xirsi Yam-Yam.

Hadda mahad ha ka gaartee, waxaa heeska Guuleed si wanaagsan bulshada ugu sharraxay Cabdi J Aw-Aden, ee hoos ka aqriso, kana dhageyso heestan qiimaha badan.

Xadgudubka uu u gaystay Allaha u naxariistee Abwaan Cabdul Qaadir Xirsi Yam-Yam waxaa ka jawaabay Daahir Calasoow.

Halkaan ka daawo

https://www.youtube.com/watch?v=KDP7OYSc2Yo#t=484

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com