Ciidamada Liyu Boolis Oo Dad Ka Kaxaystay Galgaduud

0

Galgaduud (AGGM) Ciidamada Liyu Boolis Ee Dawlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay gobolka Galgaduud ka kaxaysteen labo qof oo sida la sheegay mid kamid ah ay ahayd dumar.

Macada sababta keentay in dadkaan ay kaxaystaan Liyu Boolis .  Liyu Boolis  waxaa ay ka howlgalaan maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa si lamid ah labo qof oo kale waxa ay ka afduubteen isla gobolkaas.

Dadkan ayaan goobo ganacsi ku lahaa Galgaduud. Arrintaan waxaa xaqiijiyey qaar kamid ah dadka deegaanka.

Liyu Boolis  oo ku sugan xadka qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiliyada qaar waxa ay u soo gudbaan dhinaca Soomaaliya si ay howlahooda halkaas uga fushadaan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com