Afhayeenka Xukuumada “ Waa Naloo Soo Gacangelinayaa Wariye Sarkaal Alshabaab Ah”

0

Muqdisho  (AGGM)Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa shaac ka dhigay in dawlada Soomaaliya lagu soo wareejin doono sarkaal wariyena ah oo Alshabaab u shaqeyay, kaasoo loo haysto dilalka inkabadan 10 wariye.

Xasan Xanafi Xaaji Xasan ayaa gacanta  ugu jira ciidamada Kenya xili ay ku qabteen xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Ninkan waxaa lagu wadaa in dawcado dhawr ah lagu soo ooga si ay cadaalad u helaan eheladii dadkii uu gacan ka gaystay dilalkooda.

Alshabaab firxad ayaa ku dhuumalaysanaya qeybo kala duwan oo geeska Afrika ah, iyagoo ka soo cararay Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com