Sawiro:Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xakamaynta Hubka Wax-dila.

0

Muqdisho, August, 07, 2014....Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana Shir Guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyadoo kulanka warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee dalka looga dhageystay Wasaaradda Amniga Qaranka, laguna meel-mariyay Hindise sharciyeedka Hubka wax-dila.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa ugu horreyn warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, waxana uu tilmaamay in la fashiliyay weeraro ay kooxaha Nabad-diidku doonayeen inay ku qal-qal galiyaan ammaanka Caasimadda, sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay kooxo dhagar-qabayaal ah oo dilal horay ugu geystay.

“Ciidamadda Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed waxay ka hortageen Miinooyin la rabay in lagu waxyeeleeyo dadka usoo dalxiis taga Xeebta Liido, waxaa la fashiliyay Shabakad ka jirtay deegaanka Xariryaale ee degmada Wardhiigley labo kamid ah Horjoogayaashii Shabakaddaasna gacanta ayaa lagu soo dhigay” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.

Mudane Khaliif Axmed Ereg ayaa intaasi ku daray “ Howlgallo wadajir ah oo Ciidamadda amnigu sameeyeen Todobaadkan waxaa lagu soo qabtay 11 Horjooge oo ku jiraan labo lagu tuhunsanyahay dilkii Xildhibaan Sheekh Aaden Mad-deer, sidoo kale waxaa la qabtay hub sharci darro ah welina baaritaano ayaa socda, Sirdoonka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhanka kale iskaashanaya waxay gacanta kusoo dhigeen nin lala xiriirnayo Shabaab inuu u qaabilsanaa dilalka Wariyayaasha dhawaana dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo wareejin doonaa ”.

Gabagabadii kulanka kaddib, ayaa goluhu ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay Hinside Sharciyeedka Hubka wax-dila , kaasoo falanqeyn dheer kadib si buuxda loo meel mariyay, dhawaana loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka, Sharcigan ayaa awood u siinaya dowladda Soomaaliya in ay xakamayso iibka iyo soodajinta Hubka, waxana arrintay qeyb ka tahay dadaalka la doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka guud ee dalka.

xiirane

xiir2 xiir1 xiir ridwaan

—DHAMAAD–

Ahmed Mohamed
Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadishu, Somalia
media@opm.gov.so
Twitter:@SomaliPM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com