Qorshaha Fog Ee Axmed Madoobe By Eng Cabaas Xaabi

0

Kismaayo(AGGM) Horjoogaha koox beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa ku mashquulsan qorshe uu muddo diyaarinayay kaasoo ah in uu soo xareenaayo dhamaan mucaaradka maamul beeleedkiisa ONLF iyo Raaskambooni.

Arrintaan ayaa waxaa loo xilsaaray dhawr horjooge oo kooxdaas ka tirsan, kuwaasoo lacago dekada laga soo qaado u diyaariyey inay ku soo xero geliyaan kuwa ay u arkaan inay baahanyihiin.

Qorshaha ayuu ka damacsanyahay in marka hore Kismaayo la isugu keeno, deedna rayid laga dhigo, lana bah dilo, cuntana lagu siiyo halkaas.

Axmed Madoobe ayaa waxaa walwal ku haya maamulkiisa shakiga ku jira, kasoo aan kalsooni ka haysan umada deegaanka degan oo ay ugu badanyihiin beesha SADE Darood.

Inkastoo uu heshiis hoose la leeyahay DFK ah haddana taasi marnaba uma xalaalayn doonto in uu Kismaayo haysto. Axmed Madoobe ma ahan siyaasi balse wuxuu ogyahay in mar uun ay bixi doonaan Keenyaatiga, isagoo hub iyo gaadiid dagaal ka soo iibsaday liibiya.

Horjoogihiisa 2 aad Fartaag oo ay si hoose isu dhaarsadeen Axmed Madoobe ayaana marnaba ogoleyn in cid kale oo beesha SADE ka soo jeeda ay qabato xil muuqda ama ay awood ku yeelato maamul ku sheegaas, waxaana si hoose uu u bahdilaa cid walba oo hoos gasha.

Fartaag wuxuu ugu horeeyaa dadka sida gaarka ah ay uga harsan la’yihiin umada SADE ee aana la dhacsanayn habka maamul ee Kismaayo hadda ka jira, waayo waxay arkaan iyadoo beesha SADE ay ka maqantahay sida Agaasimayaasha Dekada, Aariboorka, xoghayayaasha maamulka dawlada hoose ee canshuura, u qeybsanaha hayada samafalka, ururka haweenka, guddoonka rugta ganacsiga ee Jubbooyinka, iyo darajooyin kale oo muhiim ah oo ay hayaan dad u dhashay beesha Ogaadeen ama Kablalax.

Qoraaga Eng Cabaas Xaabi

dooni54@hotmail.com

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com