DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya “Taakuleynta ciidankeena iyo kuwa Amisom isku mid ma’ahan”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hada ku sugan Dalka Mareykanka, ayaa ka hadlay balanqaadyadii ay ka heleen Dowladda Mareykanka, kadib markii uu xalay soo dhamaaday shirkii udhaxeeyay Hogaamiyeyaasha Afrika iyo Dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada BBC ayaa ka hadlay kulamada gaar-gaarka ah ee ay la qaateen madaxda dalka Mareykanka oo ay kala hadleen arimaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in amuuraha loo balan qaaday ay kamid yihiin Amniga, dhisida Hay’adaha Maaliyada dalka iyo sidii dalka Soomaaliya looga soo saari lahaa Shidaalka iyo Kheyraadka dalka ku jira.

“Ajandaha gooniga wuu badnaa waxaan ka wada hadalnay dhisida ciidamada Wasiirka Gaashaandhiga ayaa arintaasi saxiixay heshiiskaasi sidoo kale dhanka Maaliyada iyo maamulka iyo Hay’adaha Maaliyada sidii loo dhisi lahaa Wasiirka Maaliyada ayaa arimahaasi saxiixay iyo sidoo kale wax soo saarka kheyraadka dalka sida Batroolka iyo arimaha kale ee muhiimka ah”Ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay taakuleynta dhanka ciidanka ee ay helaan Soomaaliya iyo mida ay hesho Amisom, isaga oo tilmaamay in Amisom iyo Dowladda Soomaaliya aysan helin caawimaad isku mid ah.

Sababta keentay kala duwanaanshaha ayuu ku sifeeyay inay tahay in Soomaaliya ay hada wax ka bilaabeyso meel eber ah, Amisom ay yihiin ciidan dhisan oo qalabkooda Milateriga udhameystiran yahay, wuxuuna sheegay in ay haystaan balan qaad ku aadan dhisida ciidamada Soomaaliya, inkastoo Mareykanka marwaliba uu caawiyo ciidamada Soomaalida.

Shirka udhaxeeyay madaxda Afrika iyo Hogaamiyaha Mareykanka ayaa xalay lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo Mareykanka lacago badan uu ugu deeqay dalalka Afrika.