DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya Oo Rajo Wanaagsan Ka Qabta In Gacanta Loo Soo Galiyo Sargaal Shabaab Ah Oo Lagu Qabtay Kenya

0

Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa bidhaamiyay in Dowladda Somaliya ay Kenya u bandhigtay, in ay ku soo wareejiso ninka la rumeysan yahay in Xasan Xanafi yahay.

Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa xusay in qabashada ninkaan ay ka dambeysay, markii ay xoggo isweydaarsadeen Sirdoonada Somaliya iyo Kenya, iminkana ay baaritaano ku soconayaan.

Waxa uu intaa ku daray in Kenya aynaan weli ka soo jawaabin codsiga ay u gudbiyeen, ha yeeshee ay maalmaha soo aadan ka dhursugayaan in ay u soo gacangeliso.

Amb. Americo oo u waramay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa rajo ka muujinaaya in ninkaan loo soo duulin doono Magaalada Muqdisho, si loogu kala cadeeyo wax kastaa oo uu yahayba.

Ninkaan, ayaa waaxda la dagaalanka argagaxisada ee Kenya u sheegay inaanu ahayn Xasan Xanafi, iyadoo uu ku andacooday in nin kale uu yahay, markii uu u sheegtay magac kale.

Ninka u xiran laamaha ammaanka ee Kenya, ayaa marar badan magacyo aanu lahayn ku soo galay dalka Kenya, waxayna taasi hoos u dhigeysaa in laamaha ammaanka ee Kenya ku kalsoodaan in aanu Xasan Xanafi ahayn.

Xasan Xanafi waxaa loo heystaa dilalka in ka badan 20 Suxufi oo loogu geystay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan Suxufiyiin fara badan oo uu soo basaasay.