Dhageyso: Daahir Ciiro “Cabdiwali Gaas Maleeshiyo Ku Beel Ah Ayuu Keensaday Duleedka Garoowe Isagoo Beegsanaya Beesha Madaxweynihi Hore Faroole”.

0

Garoowe, AGGM:Ex Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Muuse “Ciiro” oo xildhibaan ka soo ahaa Baarlamaanki KMG ahaa ayaa isaga oo ku sugan caasimada maamulka la magac baxay Puntland ee Groowe waxa uu eedeyn kulul dusha uga tuuray Madaxweynaha maamulkaas Cabdiwali Gaas.

Daahir Ciiro ayaa waxa uu sheegay in Duleedka Garoowe uu Madaxweyne Cabdiwali Gaas keenay maleeshiyaad ku beel halka magaalada Garoowena la keenay maleeshiyaad kasoo jeeda beesha Madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Dhinaca kale Daahir Ciiro ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu duulaan qaawan ku yahay beel gaar ah oo Majority ka ah magaalada Garoowe, teer iyo markii uu xilka qabtayna uu beegsanayay beeshaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com