Dhageyso: Cali Ameeriko” Kenya Waxaan Waydiisanay Inay Noo Soo Gacangeliso Wariye Shabaab Ah”

0

Nairobi (AGGM) Safiirka Somaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay inay ka codsadeen Kenya inay u soo gacangeliso Xasan Xanafi Xaaji oo loo tuhunsanyahay inuu dilay wariyeyaal 10 ka badan.

Xasan Xanafi Xaaji waxaa dhawaan lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana  uu ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ka hor inta uusan ku biirin wuxuu ahaa Suxufi  reer Muqdisho ah.

Ameeriko ayaa sheegay inay rajo ka qabaan dalabkoodaas, isagoo xusay in haddii loo soo gacangeliyo lagu maxkamadeyn doono Muqdisho.

Kenya ayaa xajiijisay inuu gacanta ugu jiro Xasan Xanafi, taasoo lagu ogaaday kaddib markii ay xog wareysteen sirdoonada Somaliya iyo Kenya.

Xasan Xanafi waxaa la rumeysanyahay inuu Kenya u yimid si uu isaga daaweeyo dhaawac halis ah oo soo gaaray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com