Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Axmed Madoobe iyo kuwa Barre Hiiraaale oo lasoo sheegaayo

0

Wararka ka imaanaaya duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jiraaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay  kala wadaan ciidamada maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa Barre Hiiraaale.

Mid ka mid ah saraakiisha ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in cabsida ugu daran ee saaka ay tahay in dagaal culus uu dib u qarxo, maxaa yeelay ciidamada Axmed Madoobe ayaa dhaq dhaqaaqa xoogiisa wada.

Dhanka kale ciidamada Barre Hiiraale ayaa dhankooda waxay  wadaan dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Jubba, waxaana maar kale laga baqaayaa in dagaalo kale ay qarxaan.

Gabaldhacii shalay ilaa xalay fiidkii waxaa dhacay dagaal aad u xoogan,  iyadoona hadda la dhihi karo waxaa dib u curtay dagaalkii u dhaxeeyay Labadaasi garab.