Wariye Alshabaab La Shaqeynayay Oo Kenya Gacanta U Galay

0

Nairobi (AGGM) Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji Xasan ayaa waxaa sida la sheegay uu gacanta u galay ciidaamada Kenya oo ka qabtay xaafada Islii ee Nairobi.

Xasan Xanafi waxaa la rumeysanyahay  inuu ku lug lahaa dilalka Weriyaal fara badan oo qeybo kala duwan oo dalka ah lagu dilay.

Xasan Xanafi wuxuu madax ka soo noqday IdaacadaAl Andalus eek u hadasha afka Alshabaab, isagoo ka soo qeybgalay qeybo badan oo propaganka u qaabilsan Alshabaab. Hadda wuxuu ahaa sarkaal heer dhexe ah oo ka tirsan kooxdaas.

Haddii ay cadaato in Xasan Xanafi oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Alshabaab uu gacanta u galay Kenya taasi waxa ay keeni doontaa in wariyeyaasha iyo ehelada dadkii uu dilay ay maxkamad la fuulaan.

Xarigiisa waxaa xaqiijiyey ilo wareedyo ku dhaw Alshabaab balse kooxdu si cad ugama aysan hadlin.waxaa dhacda in Alshabaab badan oo firxad ah ay isku dhex qariyaan umada Soomaaliyeed taasoo dhibaato guud kala kulma askarta Kenya ee baaritaanada samaynaysa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com