Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay degmada B/xaawo ee gobaalka Gedo

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku wada dagaalamay degmada B/xaawo ee gobalka Gedo kaa oo geestay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana halkaasi ku dhintay sida la sheegay Hall qof oo shacab ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Haweeneey ay haalkaasi ku dhimatay, iyadoona dhaawac intaasi ka badanna uu jiro.

Askari ka mid ah dowladda ayaa dhanka degmada Garbaahaareey waxa uu kala soo goostay qori, taasna ayaana sababtay dagaalkaan, maxaa yeelay waxaa la doonaayay in dib loo soo celiyo.