Maqaal:Dadka diidan in Maamul laga dhiso Mudug iyo Galgaduud iyo Danaha Puntland Maxaa isku Mowqif ka dhigay?

0
Xasan Sheikh iyo inta ku rayiga ahi, makeenin nidamaka maamul  goboleedyada ah, ee meesha ayay ugu yimaadeen waana lagu doortay, waana kuqasban yihiin in wixii lagu doorta ay hirgalshaa. Sidaa dareedeed  haddii la yiri Galgadud iyo Mudug maamul ay dadku soo doortaan ha loo dhiso, waxaa is weydiin mudan waxa looga banaanbaxayo, cadaado, guriceel iyo qaybo ka mid ah mudug. Dowlada Xasan Sheikh, madaama ay ayadu meesha dowlad ka tahay, waxay 30/7/14 saxiixeen  waa haykalkiin  iyo qaabdhismeedkii 2 badaa gobol, laakiin sidii wax loo qabysan lahaa, iyo cidda loo dooran doono hogaanka masiirka 2 badaa gobol wali lagama hadlin.

 Dadka kunool badaa gobol haddii ay jiraan wax ay dhibsadeen, waxay ahayd iyo ayaga oo qaylo iyo sawan, iyo banaanbax midka aan keenin in ay wixii ay dhibsadeen tarbiib usaxaan. Sheekhada ah dib uheshiisiin hoose ayaa doonaynay in marka hore la sameeyo, taasi cudurdaar ma noqonayso maxaa yeelay, dib uheshiisiin, dowlada Xasan Sheikh iyo cid kale midna kama hortaagna in la sameeyo, laakiin haddii ay sheekadu tahayna aniga maxaa ujoogi waayay saxiisa, taasi cudurdaar kale noqon mayso maxaa yeelay deegaankasta waxaa ma talayay siyaasiintii, indheer garadkii iyo intii ay taladu ka goi lahaydba, laakiin somalidu waxay tiraa OOYINTU ORGIGA KA WEYN.maxaad moodaa dadka dega gobolada dhexe ee mucaaradsan maamul dhisida 2 gobol ee kala ah Mudug iyo Galgaduud, in ay ku fikir yihiin mucaaradka ay Puntland ka keentay in 2 badaa maamul la dhiso.
 Wax in la mucaaradaa micne weyn ma samaysnyso haadii aysan jirin sabab lagu mucaarado. Midda cadkii ay keeneen  siyaasiintii matalayay Gobolada dhexe haddii la diido, ma waxaa la aqbalayaa cad quureed ee nin aan goboladaa malini usoo tuuro dadka ku nool gobolada dhexe/? Waxaa markasta wanaagasn  in la iska ilaawo, sheekada ah aniga, iyo haddii aanan anigu oran, ama aanan meesha joogin, ama haddii aanan helayn waxa aan rabo waxba ma hirgalayaan. Dadka kunool gobolada dhexe ilaa Banaadir waxay ubaahan yihiin maamul, deganaasho, horumar, nabad, ee uma baahna dagaal joogto  oo ku salaysan jufo jufo, kala qoqobnaa, iyo in ay hadba dhegta wax ugu sheegaan, dad aan danohooga matali, ama raga qurbo joog ah, oo nolol qabo kujira, caruurtoodiina caafimad iyo waxbarasho uhaystaan .
     Dadka ku nool gobolada dhexe ilaa banaadir waa ka soo daalin in maalikasta loo keensado ciidamo shisheeyo , dhiigooda la xalaaysato, xoolohooda la bililiqaysto , cirdigooda iyo sharafkoodana meel looga dhaco, waa in ay mar iyo labo xisaabtamaan, ee aysan ilaawin wixi gaaray, ama loogaystay, ee aysan markasta xusiisan wixii dhegta loogu sheego iyo been hawaaska aan runtu ka danbaynin.  Federalismka Somalia maahan mid cidna la caburinayo ama xaqeeda laga qaadanayo, ee waa mid ay jufo kastaa gurigeeda xukumayso maamulka gobolkana cadkeeda ka helaysa, waxaana dhici karta kuwo ahadda mucaaradaya, in ay aygu madax ama garwadeen ka noqodaan.  Siyaasadu mahana mucaarad joogta ah, ee waa tanaasul, Samir, wax saxitaan iyo mar mar in uu qofku ka tago wax uu xaq ulahaa si loo gaaro maslaxad caam ah. Laakin maahan, aniga, tayda iyo dhegta ayaa la iigu sheegay iyo in aan wax mucaarado xoogaa ayaa jeebka la iigu shubay.

      Maamulka Garoowe waa la dareemi karaa, sababta uu umucaaradayo maxaa yeelay,1-haddii ay asaga tiisa noqonayso waxay jeclaan lahaayeen, in aysan Somalia ka dhismin maamulo wax ku ool ah aMa Effective ah oo ahayn kooda Garoowe iyo kan Kismaayo, Xamarna ay ku xisaabtamaam, cadkoodana ka helaan, ama haddii ay usuuroobayso ayba isku dayaan ama dadka ku jahwareeriyaan Xamar caasimada ha laga raro. 2- midda kale ee uu maamulka Garoowe udiidan yahay, in Mudug, iyo Galgaduud dhismaan, waa ayaga oo ka cabsi qabo in ay Dekada Hoyo furanto taas oo culays dhaqaale saaraysa Dekada Boosaaso, maxaa yeelay inta badan dhaqaala maamulka Gobolka Bari waxaa uu ku xiran yahay, waa  shacabka ku nool gobolada dhexe iyo in yar oo ka soo carara canshuurta Dekeda Berbara.

  Siyaasiinta reer Bari haddii ay cudurdaar ka dhigtaan, dad nagu abtrisadaa raacimayaa gobolada dhexe, dadka gobolada dhexe iyo Banaadiir ayaguna  waxay ku xisaabtami doonaan dadka iyo deegaankooda jubooyinka, somaliduna manta waa soo wada jeedaan.
Cumar Kulmiye
kulmiye222@yahoo.co.uk

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com