Madaxweyne Xasan” Waan Ku Kalsoonyahay Amnigeyga Laakiin AlShabaab Waxay Isku Dayday Inay Meesha Iga Saarto”

0

Washington (AGGM) Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay wakaalada wararka  Reuters ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay ammaankiisa kaddib isku dayo ay kooxdu ku weerartay dhowr jeer oo la doonayay in lagu qaarajiyo.

Hadalkaan ayuu ka sheegay magaalada Washington oo uu kaga qeybgalayo shirka madaxda Mareykanka iyo Afrika.

”Al-Shabaab waxay isku dayeen in ay aniga meesha iga saaraan iyo hoggaanka dalkaba, laakiin kuma aysan guuleysan taas, kumana guuleysan doonaan mustaqbalka’’, ayuu mar kale ku yiri wareysiga lala yeeshay.

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in weerarradii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo ay Alshabaab soo qaadeen ay muujinayso in kooxdu sii xoogeysaneyso.Wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii Westgate ee sannadkii hore oo ay Alshabaab ku soo qaaday Kenya.

”Midaan waxay calaamad u tahay awood la’aanta haysata Alshabaab, meelaha ay ku suganyihiina way ka sii diciifayaan” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay xoreyn doonaan deegaannada ka maqan gacantooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com