Dhageyso: Fashil Iyo Ceeb Dhacday Iyo Garoowe Oo Ay Ka Billaabatay Afaaro Qabiil Reer Nugaal VS Reer Mudug Markii Cabdiwali Gaas Uu Xilal Ka Qaaday Dad Reer Nugaal Ah

0

Garoowe (AGGM) Fashil Iyo Ceeb ayaa ka dhacay maalintii shalay magaalada Garoowe halkaas oo ay ka billaabatay arrin afaaro qabiil ah tannoo umad badan ay u macnaysatay  Reer Nugaal VS Reer Mudug.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Ciidamo xoogan oo aad u Hubaysan ay la Wareegen Xarunta Tv-ga Puntland oo ku dhow madaxtooyada maamulkaasi.

Arrintaan ayaa daba socotay kadib markii xilalka laga qaaday dad reer nugaaleed ah oo qaarkood ahaa dad C/raxamaan Faroole uu horey u magacaabay kana soo jeeda beeshiisa.

Ciidamadan ayaa ka caraysnaa  xilalka uu ka qaday Cabdwali gaas Ku sameeyay sadex masuul oo uu kamid ahaa Aaasimihii Tvga-Puntland Axmed kismaayo iyo Taliyihii Madaxtooyadda Cumar Cabdulaahi Faraweyne iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gen muxiyadiin Gacmey.

Idaacada BBC ayaa warbixin kooban ka diyaarisay oo tiri waxaa wareiyeyaashii lagu yiri saraakiil u dhashay Nugaal baa xilalkoodii laga qaaday

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com