Dhageyso: Ciidamada Barre Hiiraale Oo Wax Ka Yar 7KM U Jira Madaxtooyada Kismaayo

0

Kismaayo(AGGM) Ciidamo ka amar qaata Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa inay wax ka yar 7 KM u jiraan madaxtooyada Kismaayo oo ku taalla dhinaca wadada aada Goobweyn.

Warar ayaa sheegaya in ciidamadan Barre Hiiraale oo wata Tikniko aad u badan ay caawa kulaaxayaan madaxtooyada Kismaayo halkaas oo uu kala carar xoogan ka jiro.

Afhayeen u hadlay Col Barre Hiiraale ayaa sheegay in ciidankooda ay kusii siqayaan magaalada Kismaayo gaar ahaan dhinaca Madaxtooyada , waxa uuna tilmaamay in hada ay joogaan Deegaan lagu Magacaabo Baar Makaariyoos oo qiyaastii 7-KM u jirta Magaalaa Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa taageerayaal badan ku leh magaalada Kismaayo waxaana la filayaa in haddii ay xabadu bilaato ay soo bixi doonaan mutadawaciin badan oo dhibaato ay ku hayaan maleeshiyada Raaskambooni iyo ONLF ee Kismaayo ku dhuumaalaysanaya.

Kismaayo ayaa ah goob xiisad dagaal ay ka taagantahay, lana filo karo weerar toos ah oo xili walba halkaas ka dhaca. Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM aysan dagaalka soo geli doonin, iyagoo aaminsan in ciidamada Barre Hiiraale yihiin ciidamo qaran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com