Xog:Qorshaha Cusub Ee Horjooge Axmed Madoobe La Damacsan Yahay Garabyada Kasoo Horjeeda.

0

Kismaayo, AGGM:Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa waxaa banaanka la soo dhigay sir u qarsooneyd maamulkiisa taa oo ku saabsan qorshe uu ka damacsanyahay mucaaradkiisa.

Waxa uu sheegay in marka hore uu soo xareenaayo dhamaan xubnaha mucaaradka ku ah isaga, islamarkaana uu ka keeni doono meel walba oo ay joogaan.

Lataliyaashiisha qaarkood ayaa u sheegay Shabakada Allgalgaduud Media in Axmed Madoobe uu doonaayo in markii dhamaan mucaaradka ay yimaadaan Kismaayo in uu kaa dhigo kuwo rayid ah, islamarkaana uu ka qaado saxiix ah in isaga ay si buuxdo u taageersan yihiin.

Horay ayuu Horjooge Axmed Madoobe sidan oo kale ugu sameeyay Rag badan oo sheegay inay ahaayeen musharixiin u tartamaya qabashada xilka Jubbaland oo qaarkood ilaa hadda xataa laga waayay wax hadal ah.

Sidoo kale qorshahaasi markii uu hirgelo ayuu mar kale isugu keeni doonaa dhamaan odayaasha dhaqanka beeshiisa ee doortay iyo xubnaha mucaaradka isaga ku ahaa ee uu saxiixyada uu ka ahyo, waxaana uu ku dhawaaqayaa dowlad gobaleed aan shaki ku jirin, waayo wax Mucaarad ku ah ma ay jiraan.

Dhinaca kale Meesha waxaa laga saari doonaa heshiiskii DF ee Labada Sano ahaa, maxaa yeelay hadiiba la waayo wax is haysta waxaa iska cad in maamulka uu sheegto Axmed Madoobe uu si toos ah u shaqeyn doono haddaan laga hortagin qorshahan cusub ee laga soo abaabulay ayna wataan saraakiil ka tirsan dowladdaha deriska la ah Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Axmed Madoobe ayaa wado qorsheyaal aan caadi ahayn, waxaana qaar kamid ahaa ragii mucaaradsanaa uu Geeyay magaalada Kismaayo, halka ragii taageersanaa ee ku sugnaa gudaha Kismaayana qaar kamid ah ay mucaarad iminka ku noqdeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com