War Deg Deg Ah:Ciidamada Col. Bare Hiiraale Oo Maanta Baacsaday Maleeshiyada Raaskambooni.

0

Goobweeyn, AGGM: Wararka naga soo gaaraya fariisimaha ciidamada huwanta ah ee uu hogaamiyo Col. Bare Hiraale ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyada Raaskambooni ay maanta iyagoo kaligood ah isku dayeen inay weeraraan ciidamada fariisimaha ku leh Goobweeyn iyo hareeraha maagaalada Kismaayo iyagoo wata 11 tikniko ah.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa qadar daqiiqado ah kadib marki ay xabada isqabsatay in ciidamada huwanta ah ee uu hogaamiyo Col. Bare Hiraale ay u suuro gashay inay u baacsadaan maleeshiyada Raaskambooni dhanka magaalada Kismaayo oo marki horeba ay kasoo duuleen.

Ciidamada iyo Saraakiisha ciidamada Huwanta ah ee uu hogaaminayo Col. Bare Hiiraale ayaa waxa ay ku sigteen maanta inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo in kastoo amar uu bixiyay Col Bare Hiraale ay dib ugu soo laabteen fariisimahooda.

Goobjoogeyaal ku sugnaa halka uu dagaalka ka dhacay oo u waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegeen in Dagalaakan mudada gaaban socday uu reebay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo u badan maleeshiyada Raaskambooni ee duulaanka baqo dirirka ah kusoo qaaday deegaanada ay maamulaan ciidamada uu hogaamiyo Col. Bare Hiiraale.

Dagaalka maanta  ayaa dhanka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxaa uga dhintay 3 ruux halka ay goobti dagaalka uga carareen 6 nin oo dhaawac ah, halka la soo sheegayo in dhinaca ciidamada huwanta ah uu ka dhaawacmay hal ruux.

“Walaaloow maanta waxaa cadaatay tuhunki dadka ay qabeen kaa oo ahaa in Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni aysan dagaalami karin hadaysan la socon Taangiga iyo Diyaarada Kenya, wax kaloon ku sheego garan maayo” waa sida uu yiri goobjoogahan oo ku sugnaa halka dagaalku ka dhacay.

Shalay ayay ahayd marki uu gaaray magaalada Kismaayo Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil si loo dardar galiyo qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha daga gobolada Jubbooyinka, waloow dadka qaarna ay ku micneeyeen safarka Gudoomiyaha mid lagu manjo xaabinayo qabsoomida shirka dib u heshiisnta.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in dowladdaha deriska ah ee hagaya horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni aysan diyaar u ahayn in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha daga gobolada Jubbooyinka balse ay doonayaan in dhiig badan ku daato deegaanada goboladaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com