War Deg Deg Ah: Col Bare Hiiraale Oo Ciidamo Hor Leh Maanta Tababar Militari Ugu Soo Xiray Duleedka Magaalada Kismaayo.

0

Goobweeyn, AGGM:Wararka iminka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ay kub waramayaan in Goor dhaw Halkaa Taba Bar loogu soo xiray Boqolaal Ciidan ah oo lagu wado in ay Duulaan ku qaadaan Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Halkaa oo dhawaanahaanba lagu taba barayay,

Col. Barre Aadan Shire “Hiiraale” oo ah Hogaamiye si weyn loo yaqaano deegaanada Jubbooyinka oo Mudooyinkaan dambe fariisimo ciidamo ku lahaa duleedka magaalada Kismaayo iyo Degaanka Goob weyn ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxa uu Tababar Militari u soo xiray ciidamo dhawaan halkaasi lagu tababarayay, isla markaana waxa uu la hadlay Ciidankaas isagoo u sheegay in ay u balan tahay Kismaayo isla markaana ay u diyaar garoobaan la wareegitaanka Magaaladaas.

Isku soo wada duuboo Col. Barre Hiiraale ayaa yiri Cadaw ayaa haysta Kismaayo waa in aan ka saarnaa waa adinka cida laga rabo in ay magaalada Ka saaraan Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo kuwa garabka siinaya ee Kenya Marka hala dhaqaaqo ayuu Hadalkiisa sii raaciyay .

FG. Filo Dhawaan Sawirada iyo Codka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com