Top News:Gobolka Gedo Oo Laga Dareemayo Diyaar Garow Dagaal Ka Dhan Ah Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

Garbahaarey,AGGM: Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo Ee Koofur Galbeed Dalka Somalia ayaa waxaa ay ku waramayaan in Magaalooyinka Gobolkaas ay ka soconeyso is Abaabul iyo Hub aruursi ay sameyneyso Beesha Sade Ee Gobolkaas Degta iyadoo ay u diyaar garoobeyso dagaal ay la gasho maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo kuwa Kenya sidoo kalena waxa ay Beeshaasi ku Goodisay in Mas,uuliyiinta Dowladda Dhexe Qaarkood aysan Tagi Karin Gobolkaas.

Magaalooyinka Gobolka Gedo Qaybaha Maamulka Dowladdu ka jiro Ee Al Shabaab aysan maamulin ayaa Maalimihii la soo dhaafay waxaa ka jiray Xiisad kacsan oo waxaa soo if Baxayay in Hub aruursi uu jiro oo ay dadka Gobolkaasi Aad u Diidan yihiin horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni Dowladda Dhexena Hogaankeedu ay ku qasbayaan sida ay sheegayaan.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo isagu Gobolkaas ka soo jeeda uusan matalin Dadka Gobolkaas uusana imaan Karin Gobolka Gedo hadii uu isku dayo in uu yimaadana isaga ama cid mataleysa ay talaabo qaadayaan waa sida ay hadalka u dhigeene.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda Ee Gobolkaas ku sugan ayaa waxaa ay sheegeen in Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka gedo iyo Saraakiil kale oo kismaayo gaaray isuna dhiibay Axmed Madoobe aysan imaa karin Gobolkaas Hadii ay isku dayaan in ay imaadaan ay Khaarijin doonaan Hadaba Waxaa la sugayaa Halka Xaalku ku Dambeyn Doono Maadaama Gobolada intooda Badan Xiisadi ka Aaloosan tahay Dabkaasna ay Hurineyso Dowladda Dhexe Sida ay qabaan Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com