Top News: Xoolo Dhaqato Tababar Loogu Qabtay Degmada Cadaado Ee Gobolka Galguduud.

0

Cadaado,AGGM: Tababar dad xoolo dhaqato ah oo muddo 7 cisho ah uga socday degmada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Tababarka waxaa bixinaysay hay’ad maxalli ah oo lagu magacaabo TARDO, taas oo ay taageerayeen hay’adaha Care International, Copy, Wold Division, DRC iyo kuwo kale.

Madaxa xannaanada xoolaha maamulka Ximin iyo Xeeb Nuur Xuseen Ducaale oo ka qeyb galay gabagabadii tababarka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin tababarka, isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo tababarro kale oo noocaan ah, si loo kobciyo aqoonta dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool gobolka.

Waa mashruucii ugu horeeyey ee laga fuliyo deeganada hoos taga Maaamulka Ximin iyo Xeeb oo ay ka faa’ideystaan dad reer guuraa ah

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com