Top News: Koox Hubeysan Oo La Wareegay Xarunta TVga Maamulka Puntland.

0

Garoowe,AGGM: Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegayo in xarunta TVga Puntland ee Magaalada Garoowe ay la wareegeen maleeshiyo hubeeysan oo xoog ku galay xafiisyada xarunta TVga sida uu ku soo waramayo goobjooge ku sugan Magaalada Garowe.

Kooxda Hubaysan ee maanta la wareegay TVga Punt-land, ayaa ku amray shaqaalaha TVga in ay isaga dareeraan xarunta.

Qaar ka mid ah shaqaalaha TVga oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in arrintaan ay ku lug leeyihiin Saraakiil xil ka qaadis lagu sameeyay, balse waxaa la xaqiijiyey in uusan arrinkaan ku lug laheyn madixii TV-ga axmed Maxamed Cali oo shalay xilka laga qaaday.

Ciidankaan la wareegay xarunta TV-g ayaa la sheegay in ay ku Labisan yihiin Dhar iskugu jira Tuute iyo Shibil. waxaana billawday waanwaan ay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Garowe ku doonayaan in arrintaan lagu xalliyo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Punt-land oo ku aadan kooxdaan hubaysan ee la wareegtay xarunta TVga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com