Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhawaaqay hindise awoodsiinaya dhallinyarada.

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ku dhawaaqay dhowr hindise oo ay ujeedadoodu tahay in awoodsiinta dhallinyarada.

Madaxweynaha oo Wawshington DC, oo hadda ku sugan Washington waxaa uu hoggaaminayaa Wafdiga culus oo Dowladda Soomaaliya uga qeyb gelaya shir Madaxeedka taariikhiga ah ee Afrika iyo Mareykanka.

Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ugu dhallinyarada badan dunida, waxaa horyaallo arrimo adag oo ay ka mid yihiin in dhallinyarada la gaarsiiyo waxbarasho, loo abuuro fursado shaqo, la baajiyo soo jiidashada xagjirnimada iyo la kor loo qaado ka qeyb-galka ay dhallinyardu ka qeyb galeyaan dhammaan howlaha bulsho ee ay xukuumaddu waddo.

“Dhallinyarada Soomaaliya waa mustaqbalka Soomaaliya. Waxa ay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin waxa dhallinyarada kale ee dunida u baahan tahay oo ah: in ay si nabad ah ugu dhex lugeyn karaan magaalooyinkooda, in ay qaban karaan shaqooyin macna leh oo ay ka helaan dakhl ay ku caawiyaan reerahooda, in ay iswaafajiyaan hankooda iyo fursadahooda, iyo in ay si buuxda oo firfircoon uga qeyb galaan qorsheynta iyo fulinta hindisaha Soomaaliya lagu horumarinayo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed waxay da’ yarta u abuuri doontaa fursado ay kaga maarmi doonaan dagaalka iyo cunfiga. Waxa aan ku han weynahay in aan shaaca ka rogo dhowr hindise oo aan dooneyno in aan si deg deg ah u fulinno” Waxaa hindisayaashaas ka mid ah ayuu yiri Madaxweynuhu:

· *Sameynta qaab awoodsiin dhallinyarada oo ay la socoto shuruucdii nidaamin lahayd iyo siyaasaaddii hagi lahayd. *

· *Dejinta barnaamij shaqo abuuris iyo hal-abuurka dhallinyarada *

· Sameynta habka darajeynta jaamacadaha

· Xoojinta wakiillada dhallinyarada ee howlaha bulshada, siyaasadda iyo kuwa dowladeed ee heerarka deegaan iyo heer gobol

· Magacaabid labo la-taliye oo dhallinyaro ah ee xafiiska Madaxweynaha ah

· Hoos-u-dhigga da’da xadka qofka xafiis siyaasadeed loo dooranayo lagana dhigo 18;

· *Isla meel-dhigidda Beertii Qaran ee ugu horreysey ee Soomaaliya oo ah hindise ay dhallinyaradu hagto si loo ilaaliyo mustaqbalka degaanka
Soomaaliyeed, si mustaqbalkana loo abuuro fursado dalxiis. *

· Shaqo abuurka kalluumeysiga iyo maamulka habka nolosha badda ee sii jiri kara ee dhallinyarada bulshooyinka xeebaha deggan ee horey ugu
tiirsanaa nolol ka soo gasha burcad-badeednimo.

· Taageeridda dhisidda Guddiga Filimada Soomaaliyeed

· Sare-u-qaadidda fursadaha lagu gaarayo adeegsiga internetka dheereeya ee fibre optics iyo kan mobiilka ee 3G ee Soomaaliya

Shir-Madaxeedka US-Africa (4-6 August 2014) oo uu marti galiyey Madaxweyne Obama, waa dhacdadii ugu ballaarneyd ee uu Madaxweyne Mareykan ah weligii u qabto madaxda Afrika. Ujeeddadiisuna waa xoojinta xiriirka u dhaxeeya Afrika iyo Mareykanka. Shir-Madaxeedku waxa uu diiradda saarayaa ganacsiga, maalgashiga, nabadgalyada iyo hurumarka dimoqraadiyeed..

“Mareykanku waxa uu ka mid yahay saaxiibada ugu muhiimsan ee horumarka Soomaaliya. Shir-Madaxeedkan oo uu hal-heyskiisu yahay *Maalgalinta Jiilka Soo Socda” waxa uu ka turjumayaa nuxurka shaqada iyo mas’uuliyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Dhowrka maalmood ee soo socda, wafdiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay saaxiibbadooda Mareykanka ay isla arki doonaan hababka lagu dardar gelin karo maalgashiga iyo kobaca Soomaaliya. Ujeeddadu waa in la furfuro fursadaha, si wanaagsanna la isugu xiro Soomaaliya iyo Mareykanka, iyada oo la abuurayo xaalad wax-tar u leh jiilka Soomaaliyeed ee soo socda’ ayuu Madaxweynuhu ku soo gebagabeeyey.