SIR FAKATAY: Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Oo Markuu Tago Magaalada Kismaayo Gurigi Lagu Maxbuusi Lahaa Loo Diyaariyay.

0

Muqdisho, AGGM: Gobjooge ku sugan xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho oo caawa si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu inoo sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil loo dhigay shirqool aan caadi ahayn.

Goobjoogahan oo si aad ah ugu dhow xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu inoo sheegay in gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil la doonayo in lagu maxbuuso guri ku yaal magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Walaaloow Maxamed Cabdi Kaliil waxaa loo dhigay shirqool aan caadi ahayn, waxaana maanta xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh ka dhacay shir lagu lafa gurayay qaabka ugu haboon ee Gudoomiye Kaliil markuu tago magaalada Kismaayo loogu xabisi lahaa, waxaana laysla gartay in Xabsi guri la galiyo marku magaaladaas gaaro”.

Sida uu inoo sheegay goobjoogahan, Shirkan ayaa waxaa qadka telefoonka uga soo qeeyb galay hogaamiyaha maleeshiyada Raaskambooni iyo ku xigeenkiisa Gen. Fartaag, sidoo kalena waxaa madashaas ku sugnaa rag kale oo si aad ah ugu dhow R/wasaare Cabdiweli Sheekh aadna ugu ololeeyay maleeshiyada Raaskambooni iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Gedo oo marka la maxbuuso Gudoomiye Maxamed Cabdi Kaliil ka dagi doona magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo si uu ulla wareego xilka Gudoomiyenimo ee Gobolka Gedo.

”Walaaloow Gudoomiye Kaliil waxuu aaminsan yahay in Safarkiisa Kismaayo uu R/wasaare Cabdiweli Sheekh waxba kala socon oo halkaas  u diray Mas’uul ka tirsan dowlad ka mid ah Dowladdaha deriska la ah Soomaaliya, xaqiiqdase sidaa waa ay ka fogtahay waana shirqool looga taqalusayo, waxaana shirqoolkan laga soo maleegay xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed”.

Gudoomiye Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa lagu wadaa in labada maalmood ee fooda inagu soo hayo uu gaaro magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isku soo wada duuboo Warkan aan ka soo xiganay ilo wareedkan sida aadka ah ugu dhow xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa haddii run noqdo waxa ay dhabarjab weyn ku tahay dadka daga gobolka Gedo oo shirqoolkan guracan ee laga soo abaabulay Xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu u horseedi karaa in dagaalo sokeeye ay ka qarxaan gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com