Raaskambooni Oo Markii Ay Alshabaab Banaanka Kaga Guulaysan Wayday, Ku Dhaqaaqday Shacabkii Gudaha Magaalada Kismaayo Deganaa

0

Kismaayo (AGGM) Maleeshiyada Raaskambooni ayaa saaka joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka xaafado dhowr ah oo ku yaalla magaaladda Kismaayo.

Dadku saaka waxay arkayaan muuqaalo argagax leh iyadoo meelaha qaarna guryaha ay galayaan oo ay si sharci daro ah ku baaranayaan.

Dad shacabka oo aan wax dambi lahayn  ayaa la xaqiijiyay in baaritaanadaas ay ku qabqabteen mal;eeshiyada Raaskambooni. Badanaa shacabka waxay aad cabsi uga muujiyaan baaritaanada noocaan ah oo ay qaadayaanmaleeshiyada Raaskambooni iyo askarta Kenya maadaama ay boobaan hantida iyo dahabka gabdhaha.

Raaskambooni ayaa waxaa weerar culus uu ka haysta duleedka Kismaayo oo dagaalo qaraar ay ku dhexmarayaan Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com