XOG:Maxaad Kala Socotaa Heshiis U Dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Faarax Sakiin Iyo Inay Shirkad Ku Yihiin Dhoofinta Dhuxusha Sharci Darada Ah

0

Kismaayo (AGGM) Akhriste waxaad ogtahay in uu jiray heshiis Addis Ababa lagu gaaray oo dhigaayay in muddo 6 Bilood ah kaddib maamulka dekedda iyo Airboorka Kismaayo uu Axmed Madoobe ku wareejiyo dawlada  Federaalkaah.Iyo in ay jireen qodobo caalami ah oo dhigayay in la joojiyo dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah ee uu Axmed Madoobe, Faarax Sakiin, Alshabaab iyo Kenyaba ku lug leeyihiin.

War xog ogaal ah oola helay waxay sheegayaan in xiriir qarsoodi ah uu ka dhexeeyo Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir oo iminka ah Wasiirka Garsoorka Soomaaliya.

Xiriirka labada nin, ayaa ah mid siyaasadeed iyo mid ganacsi intaba, sida aaan xogta ku helnay. Faarax C/qaadir, ayaa ahaa ninkii Axmed Madoobe u xalaaleeyey gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe iyo Faarax C/Qaadir, ayaa la tilmaamayaa inuu ka dhexeeyo ganacsi dhanka dhoofinta dhuxusha, iyadoona la sheegay in ka hadalka joojinta dhuxusha uu hakat galiyay Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xasan, islamarkaana horumuud ka ahaa heshiisyadii DFS iyo MKG Jubba ku dhex maraayay Magaaladda Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Heshiiska Labada Mas’uul uusan intaa ku ekeyn balse ay sii jiraan ganacsiyo badan oo ay kamid yihiin Arrimaha la xiriira Badda Somalia oo ay Kenya dooneyso, islamarkaana uu dalaal ka yahay Axmed Madoobe.

Heshiiska ganacsi ee ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir ayaa waxa uu bilowday Sanad ka hor, inta Faarax C/qaadir uu ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia, waxaana la tilmaamayaa in mashruucaasi ay gadaal ka riixeyso Dowlada Ethiopia.

Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe, ayaa iyagu hortaagan fulintii Heshiiskii August 28, 2013, oo lagu gaaray Addisababa, waxaana Faarax oo ah ninka hoggaanka u haya Madaxweyne Xasan uu arrintaas kaga gudbiyey madaxweynaha inay tahay lama taabtaan, lagama hadlaan ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com