DHAGEYSO:-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Oo Sheegay In Sugidda Ammaanka Ay Ka Qeyb Qaadanayaan Xildhibaanada

0

War uu siiyay warbaahinta Magaalada Muqdisho, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa wuxuu ku sheegay in Xubnaha Baarlamaanka dalka ku jira aysan cabsaneyn, marka loo eego dilalka Xildhibaanada loo geysanayo.

Mr Jeesoow ayaa si kulul u sheegay in Xildhibaanada qudhooda ay ka qeyb qaadanayaan sugidda ammaanka caasimada oo ay sameynaysaan Xildhibaanada ilaalo badan oo amnigooda iyo midka caasimada ka qeyb qaata.

Daahir Amiin Jeesoow Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arimaha gudaha iyo amniga Baarlamaanka ayaa tilmaamay in raga dilalka geysanaya iyaga un ay daali doonaan oo Xildhibaanada marwaliba ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda qaran.

Dilalka Xildhibaanada ayaa aad ugu soo batay Muqdisho, waxaana dilkii ugu dambeeyay loo geystay Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo la toogtay, xilli uu kasoo baxay Masaajidka Salaadii Khudbada Jimcihii lasoo dhaafay.

Xildhibaanada Sanadkaan Muqdisho lagu dilay ayaa tiradooda, waxa ay ka dhigeysa 5-Xildhibaan.