DHAGEYSO:- Wasiirka Warfaafinta Oo Booqday Hooyooyinkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Shalay

0

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa maanta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ku booqday hooyooyinkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Mustaf oo ay wehliyaan xubno ka tirsan haweenka Qaranka Gobalka Banaadir, ayaa tagay Isbitaalka ,kuwaasi oo indhahooda kusoo arkay dhaawacyada hooyooyinka soo gaaray.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in uu Alle ka badbaadiyay dhibaatada lala damacsanaa haweenkaasi , waxa uuna intaa raaciyey in xukuumaddu ay garab taagantahay hooyooyinkaasi, islamarkaana ay gacan adag ku qabaneyso kuwa nabad diidka ah ee ummadda dhibaateeya.

Sidoo kale Haweenka Qaranka ayaa dhankooda sheegay inay caawinayaan haweenka Soomaaliyeed ee miinada shalay ku qaraxday Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

3 haween ayaa ku geeriyooday miinadaasi, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 8-haween oo xaaladooda caafimaad Isbitaalka Madiina lagu dabiibayo.