DHAGEYSO:- Shirka maanta ka furmaya Maraykanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya

0

Maanta oo isniin ah waxaa lagu wadaa in dalka Mareykanka uu ka furmo shirka u dhaxeeya Hogaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, shirkaasi oo looga hadlayo arimaha Afrika.

Hogaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ayaa kusii qul-qulayaa dalka Mareykanka, waxaana xubnahasi kamid ah Hogaamiyaha dalk Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Du’ale Bayle ayaa sheegay inay isku diyaariyeen ka qeybgalka shirka madaxda Afrikaanka iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Shirkaan Ahmiyad gaar ah uu uleeyahay dhanka Soomaaliya, maadaama ay jiraan baahiyo kala duwan oo ka jira gudaha dalka ayna u baahan yihiin in Mareykanka ay kala hadlaan.

Sidoo kale Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Du’ale Bayle ayaa sheegay in kulamo gaar-gaar ah ay yeelan doonaan Hogaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna kawada hadli doonaan arimaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dhawaan aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay aheyd markii Safiirka cusub ee Soomaaliya uu warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Mareykanka Obama.