DHAGEYSO:- Muungaab “Qaraxii xalay dad ayaan u qabanay”

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku dhawaad 20 ruux  ay u qabteen Qarax xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay Gudaha Garaash ku yaalla nawaaxiga Isgoyska Dabka halkaasi oo ku qarxay Gaari la sheegay in lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa.

Muungaab ayaa sheegay in  la hayo qaar ka mid ah raga Garaashka ka shaqeynayay iyo kuwa kale oo la tuhunsayahay inay ku lug leeyihiin arrintaan balse baaritaan lagu kala saari doono.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka jeediyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Isbitaalka Madiina oo maanta uu gaarsiiyay deeq lacageed oo loogu tala galay haweenkii Nadaafada ay ku dhaawacmay Qaraxii shalay iyaga oo howlo nadiifin ah waday.