Daawo Sawirada:Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Beesha Sade ee Birmingham ayey kasoo saareen baaq ka kooban dhawr qodob.

0

Birmingham, AGGM:Kulan aad u ballaaran oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Beesha Sade ee magaalada Birmingham ayaa 02.08.2014 oo ku beegneyd maalintii Axadda ahayd ka dhacey Hotel Mubaarak oo ku yaal magaalada Birmingham.

Kulankaan oo ahaa mid si heer-sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa si gaar ah loogu soo dhaweeyey siyaasiyiin iyo wax-garad kamid ah Beesha Sade oo dhawaan ka kala yimid Soomaaliya iyo Denmark, kuwaasoo warbixin ku saabsan wacyiga guud ee jira iyo waxyaabii ay qaarkood gudaha dalka ku soo arkeen halkaas looga dhegeystey. Waxaanna wax-garadka iyo Siyaasiyiinta kulankaas martida ku ah ay ahaayeen:

1). Cabdullaahi Xaaji Xasan ( Bushkun)

2). Dr. Xasan Cadde

3). Cumar Diiriye Cigaal

4). Baxare Cali Shire

Waxaa haddaba Siyaasiyiinta iyo wax-garadkaas kulanka martida ku ahaa ay Jaaliyaddu su,aallo ka weydiiyeen warbixntii dheereyd ee halkaas looga dhegeystey, kuwaasoo dhammaanba ay si wanaagsan oga jawaabeen.

Xog-waran iyo iswereysi dheer oo Jaaliyaddu is-weydaarsatey kadib ayey Jaaliyaddu waxay kulankaas kasoo saareen Baaq dhinacya badan taabaneyo, kaasoo ka kooban dhawr qodob, wuxuunna u qornaa sidatan:

1). Waxay Beeshu si buuxdo u taageereysan tahay booqashadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqday magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbahareey. Booqashadaas oo aheyd mid taariikhi ah, ahna tii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed ku tago gobolka Gedo tan iyo intii ka dambeysey burburkii dawladdii dhexe ee uu hoggaamineyey Gen. Maxamed Siyaad Barre. Waxaa ay haddaba Beeshu aad usii taageereysaa codsigii uu Madaxweynaha u bandhigey Beesha Caalamka ee ku wajahnaa abaaraha ba,an ee ka taagan Gobalka, waxaanna ay beeshu codsaneysaa in dawladda iyo Beesha caalamkaba ay wax qabad dhab ah ka geystaan abaaraha ba,an ee ka jira Gobalka.

2). Waxaa kale oo ay beesha Sade ee Birmingham ka tacsiyadeyneysaa dhammaan dadkii dhawaan ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay magaalada Caabudwaaq, waxeyna illlaahay oga baryayaan in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelkii iyo qaraabadii ay ka tageena ka siiyo Samir iyo Iimaan. Waxay sidoo kale Beeshu ka digeysaa dagaal danbe oo dhexmaro dadkaa walaallaha ah ee ku wada nool degaankaas, iyadoo ay Beeshu codsaneyso in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wadahadal dhex maro jifooyinka ay dirirtu u dhaxeyso.

3). Ugu dambeyn waxey beeshu dhaliishan tahay sida ay D.F.S u gacan bidixeysay Gobolka Gedo. Gobalkaan oo ka mid ahaa goboladii ugu horeeyey ee dawlada gacanteeda soo gala ayaa haddana aysan ka muuqan maamul mideysan, taasoo haddana ay jirto wax tar la’aan xagga D.F.S kaga yimid. Waxaa xusid mudan in gobollo badan oo dalka ka mid ah kana nabadgelyo liita gobolkaan ay ka helaan D.F.S taageero joogto ah oo uusan gobolkaan helin muddo haatan laga joogo 3 sano Sidaa daraadeed waxay beeshu ka codsaneysaa D.F.S iyo dhammaan hay’adaha caalamiga dibu u eegis ku sameeyaan, hubiyaana dhammaan cid walbo oo mas’uul ka aheyd dhaqaale iyo horumar kale oo gobolkaas horey loogu qoondeeyey.

Waxaanna magacyada Beesha Sade ee baaqaas ku saxiixan ee kulankaas ka qeyb galey ay ahaayeen sida hoos ku qoran.

1). Cabdullaahi Xaaji Xasan ( Bushkun)

2). Dr. Xasan Cadde

3). Cumar Diiriye Cigaal

4). Maxamed Cumar Cilmi (Dhegaweyne)

5). Baxare Cali Shire

6). Dr. Xasan Maxamed Faarax Coon-gaab

7). Daahir Faarax Afdheere

8). Cabdullaahi Muuse Tareey

9). Cali Sheekh Axmed ( Cali-Taar)

10). Cabdaxmaan Xuseen Odawaa

11). Cali Cabdul Isxaaq

12). Xasan Xalane Xasan

13). Maxamed Daahir Xirsi Dhudi

14). Maxamed Xuseen Xirsi

15). Xasan Cali Bucul

16).Maxamed Muxumed Maxamed Aadan

17). Isxaaq Cabdullaahi Cilmi Sahal

18). Cabdi Warsame Xirsi Deer ( Huruuse)

19). Cabdullaahi Axmed Kabbiin

20). Jeelle Axmed Xuseen

21). Cabdiqaadir Gaaciye ( Kala-foge)

22). Guhaad Cali Gurxan

23). Cabdi-weli Maxamed Guuleed

DSC_0647 DSC_0646 DSC_0645 DSC_0644 DSC_0643 DSC_0642 DSC_0641 DSC_0640

DSC_0651

Daahir. F. Afdheere

Email. gulaan1969@yahoo.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com