Daawo: Maxamed Cabdi Kaliil Oo Kismaayo Uu Ku Soo Dhaweeyay Sarkaal Darajo Hoose Iyo Wajigiisa Oo Ay Caro Ka Muuqato

0

Kismaayo (AGGM) Sida uu filayay guddoomiyaha waxqabadkiisu uu hoos u dhacay ee gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayuusan xaalku ugu dhicin kaddibmarkii uu Kismaayo ku soo dhaweeyay sarkaal darajo hoose oo ka tirsan koox beeleedka Raaskambooni.

Kaliil ayaa filayay in ay garoonka diyaaraha u soo istaagaan Axmed Madoobe iyo horjoogaha 2aad ee Raaskambooni Fartaag, waa sida markii hore loo sheegay balse xaalku sidaas uma dhicin. Waxaana garoonka ku soo dhaweeyay sarkaal ONLF ka tirsan oo Kismaayo ku dhuumaalaysanaya Cabdirashiid Gooni.

Mustaqbalka Kaliil ayaa muddooyinkan dambe mugdi ku jiray kaddibmarkii uu ka soo bixi waayay shaqadiisii, isagoo isugu dhurtay in geed hoostiis uu ugu sheekeeyo koox yar.

Kaliil ayaa loo balanqaaday in loo iibiyo gaadiid, guri qabyo ka ahna loo dhiso, xajka in la geeyo iyo in Mushaar looga qoro dekada Kismaayo.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa loo galbiyey guriga Axmed Madoobe iyo Fartaag lagu ilaaliyo.

Sawirka ishaada kaga bogo

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com