Ciidamada Ilaalada Guriga Ra’iisul Wasaaraha oo xalay toogtay qof shacab ahaa

0

Ciidamada Ilaalada guriga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay waxa ay toogteen nin shacab ahaa, kaasi oo la sheegay inay ciidamada ka shakiyeen, xilli ninkaan uu ku sugnaa afaafka hore ee aqalkiisa.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay dhabarka dambe ee guriga Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan Xaafadaha xiga dhanka Ex-Fiyoore, xilliga falka dilka uu dhacayay ayaa waxa ay aheyd 1:00 habeenimo.

Nin deris la ahaa ninka la toogtay ayaa Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho uxaqiijiyay dilka ninkaasi shacabka ahaa, wuxuuna sheegay in xalay mar uu usoo kacay Suuliga uu maqlay xabad dhacday, kadibna uu dareemay in qof la dilay, hayeeshe markiiba uu aqalkiisa iska galay.

Ninkaan ayaa wuxuu sheegay in saaka aroortii uu ka warhelay iyadoo xaafada Ex-fiyoore ee Degmada Wardhiigleey laga hadal haayo in ciidamada ilaalada Guriga Ra’iisul Wasaaraha ay toogteen nin lagu magacaabi jiray Mustaf Xasan Caate oo dhalinyarada Xaafada Ex-fiyoore kamid ahaa.

Meydka Mustaf Xasan Caate ayaa saaka lagu aasayaa Muqdisho, waxaana arinta dilka ah ee Mustaf loo geystay la sheegay in lagala hadli doono masuuliyiinta guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Ciidamada Dowladda ayaa ku jira feejignaan dhanka ammaanka ah, iyaga oo ka cabsi qaba in Al Shabaab ay weeraro kusoo qaadaan, maadaama Xoogaga Al-Shabaab dhowr mar ay weeraro culus ku qaadeen Xafiisyada madaxda dalka.

Feejignaanta ciidamada ay ku jiraan ayaa fududeynaysa inay dilaan dadka ay ka shakiyaan, maadaama xilliga xalay dilkaan uu dhacayay ay aheyd waqti dambe oo ciidamada feejignaan adag ay ku jireen.