Dhageyso: Alshabaab Oo Gubay Dameero Cunto Siday Iyo Guryo

0

Waajid(AGGM) Alshabaab ayaa sida lagu eedeeyay waxaa ay gubeen dameero cunto u siday dadka ku dhaqan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dameerada la gubay ayaa waxaa tiradooda ay gaaraysaa ilaa 21 dameer iyo raashinkii saarnaa balse dadkii watay dameerada ayaa goobta isaga baxsaday.

Dhacdada ayaa waxa ay ka dhacaday deegaan yar oo u dhaxeeya Buurdhuxule iyo Waajid. Degmada Waajid ayaa haatan gabi ahaanba ka go’doonsan dhinaca dhulka. Waxaana sare u kac uu ku yimid qiimaha raashinka la kala siisto.

Alshabaab ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay gubeen guryo ay leeyihiin dad reer miyi ah , ma cada sababta ay u gubeen.

Maamulka dawlada ee Waajid ayaa ku howlan sida ay u wajihi lahaayeen Alshabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanada miyiga ah ee Bakool oo loo taagwaayay.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com