Alshabaab “Anaga Ayaa Qaadnay Weerarkii Boosaaso”

0

Bosaaso(AGGM) Sida uu goor dhaw idaacada Al-Andalus oo ay leedahay Alshabaab u sheegay Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab afhayeenka hawl-gallada kooxda Al-shabaab waxa ay kooxdu sheegatay masuuliyada weerarkaas isqarxinta ahaa.

Weerarka oo maanta qarax dhicii ka dhacay Boosaaso waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada Booliska Boosaaso iyo rag kale.

Abuu Muscab ayaa sheegay inay ku guuleysteen weerarka oo ay ku dileen taliyihii ciidanka booliska gobolka Bari ee Puntland Cabdiraxmaan Cabaas, kaasi oo uu sheegay in sidoo kale uu ahaa madaxii guddiga ammaanka .

Abuu Muscab wuxuu sheegtay in sidoo kale ay weerarka ku dileen saraakiil kale oo muhiim u ah Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com