Qormo Cajiib Ah: Xagee u taqaanaa Galgaduud?

0

Arbacadii lasoo dhaafay oo ku beegneyd 30-kii July 2014 waxaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis maamul goboleed loogu dhisayo gobollada Galgaduud iyo Muqdug, inkastoo lasoo hadal qaaday magaca gobollada Dhexe.

Sida la yiri, waxaa heshiiskaas saxiixiisa ka qeybgalay madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Qeybdiid, wakiil ka socday maamulka Ahlusunada, Shekh Ibraahim Shekh Xasan Guureeye iyo wakiil ka socday maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullahi Maxamed Cali (Baarleex).

Dowladda Soomaaliya uma kala harin ka qeybgalka shaacinta heshiiska oo madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa joogay, waxaana heshiiska u saxiixay 4 xubnood oo kala ah: Mustafa Sheekh Call Dhuxulow, Wasiirka Warfaafinfa, Ducaale Adan Maxarned, Wasiirka Hiddaha& Tacliinta Sare, Mahad Maxarned Salaad, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga, Axmed Cali Salaad, Wasiirku xigeenka Boostada & Isgaarsiinta, halka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahia Goodax Barre oo ku saxiixay qaab damaanad qaad fulinta heshiiskaas.

Waxaa sidoo kale, heshiiskaas ka goobjooga ahaan u saxiixay wakiilada beesha caalamka sida: Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub, Safiir Michele Cervone, Ergeyga Gaaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD, Mohammed Abdi Affey, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramoda Midoobay Nicholes Key iyo Lydia Wanyoto Mutande oo ah Siihayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyiha Komishanka Midowga Afrika.

Hadaba khamiistii xigtay arbacdii heshiiskaas la saxiixay waxaa warbaahinta ka qeyliyey rag ka tirsan maamuladii heshiiska wax ka saxiixay, waxaa ugu darnaa Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunna Waljamaaca!!!, waxaa warkoodu ahaa “Nama matalaan qoladii wax saxiixday”.

Ahlusuna oo ka talisa degmada Dhuusamareeb iyo Tuulada Guriceel ayaa mar kasta sheegta magaca gobolka Galgaduud, waxeyna caado ka dhigteen iney gaashaanka ku dhuftaan wax kasta oo loo soo qaado magaca gobolka, hadii aan iyaga la sharfin!.

Waxaa wax lala sii yaabo ah xitaa iyaga ayaan ku heshiin Karin hal go’aan waxeyna sheegtaan iney yihiin culumaa’udiin, waxeyna hogaamiye kooxeedyadii kala mid noqdeen “Looma Dhama”.

Dhawaan ninka iyaga ugu sareeya ayaa kabiir ka mid ah kabiiradiisu ku eedeeyey inuu dalka keenay Shiico dadka qaloocineysa, islamarkaana dadka leyneysa!!!

Dhanka kale, Maamulka yar ee Ximan iyo Xeeb oo ay sameysatay beel degta degmada Cadaado ayaa isaguna ka daba dhow Ahlusuna oo ma ogola in la mideeyo kooxaha kala duwan ee kala ootay gobalka Galgaduud.

Maamulka Ximan iyo Xeeb wuxuu kaga duwan yahay Ahlusuna ineysan inta badan is khilaafin oo lasoo sheegin gacan ka hadal dhexmaray, hase ahaatee kama soo bixin kaalintii laga sugayey markii la yiri: Waa in la dhiso maamul mideeya Mudug iyo Galgaduud oo dhankooda ayay buunka khilaafka ka yeeriyeeyn!!!.

Haddaba akhriste xagee u taqaanaa Galgaduud? Ma Dhuusamareeb, Cadaado iyo Guriceel oo kaliya?

Gobolka Galgaduud wuxuu ka kooban yahay degmooyinka kala ah: Dhuusa-mareeb oo xarrunta gobolka ah, Cadaado, Ceel-buur, Ceel-dheer iyo Caabud-waaq.

Shantaas degmo waxaa afka u dhigtay labo degmo oo kala ah: Dhuusamareeb iyo Cadaado oo kusoo xigta, waxaa labadaas degmo iyo Tuulada Guriceel saaciday warbaahinta Soomaalida oo dadka u fahamsiiyey in gobolka Galgaduud halkaas yahay.

Xitaa dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata iney dabakacday waxa warbaahintu tebiso ee ah in Galgaduud yahay Dhuusamareeb Guriceel iyo Cadaado oo marka laga hadlayo arrimaha Galgaduud waxey u yeerataa kooxaha degan saddexdaas meelood.

Waxaa looga fadhiyey dowladda Soomaaliya hadii ay ka shaqeyneyso maamul u sameynta Galgaduud iyo Mudug ay shiriso beelaha kala duwan ee gobolladaas degan, maxaa yeelay cidda Ahlsuna sheegata waa hal beel, Ximan iyo Xeebna sidoo kale.

Haddii dowladdu arrimaha Galgaduud ka wareysato Ahlusuna oo beel ah iyo Ximan iyo Xeeb oo beel kale ah aaway beelihii kale ee gobolkaas deganaa? Aaway ree Ceel-dheere, reer Ceelbuur, Reer Caabudwaaq iyo beelaha degan tuulooyinka kale ee gobolkaas???

Haddii Ahlsuna iyo Ximan & Xeeb qaab maamul ku mucaaradaan wax kasta oo gobolka Galgaduud loo qaban lahaa maxaa hagaagaya?, Galgaduud iyo Mudug waa gobollo beelo badan, marka waxaa dowladda Soomaaliya la gudboon iney beelaha shiriso ee iska deyso maamullada magac u yaalka ah ee jufooyinka gaarka ah sheegtaan.

Marka ay dowladdu shirineyso beelaha dega Mudug iyo Galgaduud waa in dadka laga dhaadhacsiiyaa iney dhowraan khariiradda gobollada oo degmo kasta la hoos geeyo gobolka ay ka tirsan tahay ee aan loo fiirin beesha degta.

Tusaale ahaan, haddii degmada Matabaan ee ka tirsan gobolka Hiiraan ay diido iney hoostagto Baledweyne, degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer iyo Caabudwaaq ma yeeli doonaan iney hoos yimaadaan Dhuusamareeb, taasoo haliska ah maamulka dowliga ee Soomaaliya.

Mareegaha

AGGM Masuul Kama Ahan Ra’yiga xogtan oo aan Il-wareed ka soo xiganay. AGGM waxay tixgelisaa fikirka iyo dareenka akhristayaasheeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com