War Cusub+Daawo: TV-ga Al Arabia “Sadaam Xuseen Waa Nool Yahay”.

0

Muqdisho, AGGM:Muuqaalkan aad hoos ku daawan doontaan waa mid dhawaan ka baxey Telefishinka caanka ah ee Al Arabiya, waxaana barnaamijkan diirada lagu saaray hadal lala yaabey oo dhawaan kasoo baxey mid ka mid ah dadkii ugu dhawaa Madaxweynihii Mareykanku daldalay ee Ciraaq Saddaam Hussein.

Barnaamijkan oo dad badan ka yaabiyay ayuu Telefishinku soo xiganayaa shabakad Internet oo Ciraaq caan ka ah, taasoo dhawaan baahisay in Saddam Xuseen weli nool yahay, isla markaana ninkii la daldaley aanu isag aheyn.

Shabakadu waxa ay leedahay, daliilka aan heyno ayaa ah in Mareykanku aanu dilin Saddam Hussein, balse ruuxii la daldaley uu ahaa mid ka mid ah shaqsiyaad aad u shabaha Saddam Hussein oo waqti dheer la shaqeyn jiray Madaxweynihii hore ee Ciraaq Sadam Hussein, isla markaana qorshuhu ahaa in ay iska dhigaan Saddaam si loo siro cadowgi doon doonayey Saddam Hussien.

Alarabiya TV oo soo xiganeysa shabakadan Ciraaq caanka ka ah oo lagu magacaabo Baghdadil-Rasheed, ayaa intaas ku dareysa in xiligii Mareykanku shaaciyay inuu Saddam Hussien nolol ku qabtey ay hadleen dad dunida caan ka ah oo uu ka mid ahaa wasiirkii arimaha dibbada ee Ruuska xiligaas, kuwaasoo sheegay in Mareykanku uu bucaad cidlo ah qoorsagaaro ku hayo, taasoo la macno ah in ruuxa ay qabteen uusan aheyn Saddaam Hussein balse uu yahay mid ka mid ah dadki aad u shabbahey ee Saddaam Hussein uu tababarey.

Waxaa kaloo barnaamijkan ku jira hadal cod ah oo laga duubay mid ka mid ah gacanyare yaashii Saddaam Hussein, isagoo magaca alle ku dhaaranaya in Saddam Hussein nool yahay, ninkii Mareykanku maalinta ciidda (2006) daldalaada ku fuliyeyna uu ahaa nin lagu magacaabo Mikaa’eel oo aad u shabahey Saddaam muddo aad u dheerna la shaqeyn jiray.

Ninkan codkiisa la duubey ee sheegaya in Saddaam Hussein weli nool yahay ayaa hadalkiisa kusii daray, in uu waqti dhow soo bixi doono Saddaam weliba si geesinimo leh, isagoo xukun mideyn ah ka hirgelin doona Ciraaq’ sida uu ninkani hadalka u dhigay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com