War Cusub+Dhagayso: Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Col. Tuur Yare “Qofkii Ka Tirsan Al Shabaab Ee La Soo Qabto Waalidkiisna Waa Lala Tooganayaa”

0

Muqdisho, AGGM: Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sidda ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay arrin marka aad dhinac ka eegto ah mid ku cusub xukunnada ay horay u ridi jirtay maxkamada, isaga oo sheegay in qof kasta oo ka tirsan Al-shabaab ee la soo qabto lala toogan doono waalidka dhalay.

Waxaa uu sheegay in horay maxkamada ciidamada qalabka sidda fariin ugu dirrtay sidda uu hadalka u dhigay waalidiinta dhalay dhalinayrrada ka tirsan Al-shabaab in ay warbixinta caruurtooda u soo gudbiyaan maxkamada ama laamaha ammniga, hasse ahaatee wixii hadda ka danbeeya qof kasta oo ka tirsan Al-shabaab ee la soo qabto lala toogan doono waalidka dhalay.

“Aabbayaasha iyo Hooyooyinka waxaan ka codsanaynaa inay soo sheegaan wiilashooda Al-shabaab ka tirsan; haddii lasoo qabto cunuggooda iyagoo aan warbixin ka keenin, waalidkana waa lala soo qabanayaa, hal mar ayaana la toogan doonaa; maxaa yeelay mas’uuliyad ayuu ku yeelanayaan dambiyada ay geysanayaan carruurtooda, taasna waa mid sharcigu qorayo,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.

Hadalka guddoomiyaha maxkamada sare ayaa imanaya xili waabarigii hore ee saakay magaalada Muqdisho lagu toogtay saddex dhalinyarro ah oo ka tirsanaa Al-shabaab oo labo ka mid ah lagu hellay falal dil ah, halka mid kalana la sheegay in uu ahaa fududeeyihiin weerarkii ugu danbeeyay ee lagu qaaday xarunta madaxtooyada.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan waalidiin u xirran maxkamada ciidamada qalabka sidda kaddib markii la soo qabtay caruur ay dhaleen oo ka tirsan Al-shabaab.

Inkastoo guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda siddaa uu sheegay ayaan haddana la ogeyn sidda arrinta noocan oo kale ah sharci u noqon karo, gaar ahaa in qof aan waxba galabsan loo dilo danbi uu gallay qof kale.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com