Laamaha ammaanka oo gacanta ku soo dhigay rag lala xiriirinaayo qaraxii dumarka lagu dilay

0

 

 

Hawlgal laga sameeyay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu soo qab qabtay rag lala xiriirinaayo qarax miino, oo maanta ka dhacay Carwadii hore ee Degmada Hodan, iyadoo lagu dilay tiro ka mid ah haweenka ka shaqeeya bilicda nadaafada ee Caasimada.

Ugu yaraan 5 nin, ayaa loo soo qab qabtay qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo raggaan su’aalo lagu weydiinaayo Saldhiga Booliska ee Degmada Hodan.

Goobjooge, ayaa sheegaaya in ay maqleen jug aad u xoog badan, isla-markaana uu arkaayay meydadka afar ka mid ah haweenka iyo dhaawacyada 7 kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Hodan Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa waxa uu isna sheegay in 3 dumar ah dhimatay, halka 8 kalana ay dhaawacantay.

Taliyaha waxa uu qaraxaan ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray nabadiidka, oo uu kala jeedo Ururka Al Shabaab, oo ka soo horjeedo dib u soo celinta bilicda Magaalada Muqdisho.

C/qaadir Cali Kullane, Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu nabadiidka ku eedeeyay inay dilayaan maatida aanu waxba galabsan.

Kullane waxa uu ka digay in maanta ka dib qashin lagu soo daadiyo agagaaraha Carwadii Taleex, iyadoo uu ku goodiyay in tallaabo adag ka qaadi doonaan, cid kasta oo qashin dambe ku soo shubta, si looga gudbo qaraxyada noocaanoo kala ah in ay dhacaan.

Magaalada Muqdisho waxaa marar kala duwan lagu dilay tiro ka mid ah haweenka ka shaqeeya bilicda Magaalada Muqdisho.