Beelaha Wagardhac Iyo Celi Ee Nairobi Oo Taageeray Nabada Caabudwaaq

0

Nairobi (AGGM) waxa magaalada Nairobi lagu qabtay shir ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada ee ka socda labada beelood ee walaalaha ah ee Wagardhac iyo Celi kaddib colaadii ku dhexmartay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Gogasho oo ay dhigtay beesha Celi ayaa waxaa si qotodheer loogu jeex-jexay sababihii dhaliyey in iyagoo walaalo ah ay dagaalamaan, uuna dagaalkaas macne darada ah galaafto nolosha ilaa 19 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof oo kale.

Labada dhinac ee walaalaha ah ayaa si ehelnimo ah isula garwaaqsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in xal waara arrintaas laga gaaro.

Waxgaradka Celi iyo Wagardhac ayaa taageero buuxda siiyey dadaallada lixaadka leh ee degmada Caabudwaaq ka soconaya tan iyo 23kii bishii July oo ahayd dhacdadii ugu dambaysay ee ka dhacday degmada Caabudwaaq.

Ehelka kulmay ayaa waxaa ay hoosta ka xariiqeen qoddobada hoose.

In tacsi loo diro dhamman eheladii iyo qaraabadii dadkii falalkaas ku geeriyooday iyadoo eebbena looga baryey kuwa ku dhawaacmay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

In la tageero dadaallada nabadaynta iyo dhexdhexaadinta ah ee imminka socda, ay horseedka ka yihiin; wafdiga dawladda federaalka, oday-dhaqamedyada, Ururka Ahlu-sunna wal-jamaaca iyo maamulka degmada caabudwaq, lana dhiirigeliyo sidii ay uga mira dhallin lahaayen nabad waarta oo la mahadiyo.

In si dhab ah oo caddaalad iyo xaq-soor waafaqsan diinta islaamka wax loogu qaybiyo dhinacyada ay colaaddu dhexmartay, islamarkaana la taabbagelyo xabad-joojintii lagu dhawaaqay ee ilaa haatan mel wacan maraysa.

In laga bilaabo 23kii bishii Julay 2014, ciddii mareexan ah , gaar ahaan labadan beelood ee Wagardhac iyo Celi oo wax disha in la qisaaso, iyadoo la waaffajinayo ida ay qabto sharecada Islaamka ee muqadaska ah.

In labada dhinacda af iyo addinba ay ku xoojiyaan dadaallada imminka ka socda magaalada Caabudwaaq, si loogu guulaysto wadahadallada, daacadna laga noqdo dhammaan arrimaha isku soo dhaweyn kara walaalaha colaaddu kala ir-dhaysay.

In dib la isugu noqdo, iyadoo qolo walba ay soo gudbin doonto talooyin saldhig adag u noqon kara daaweynta iyo xal u helidda colaadda soo noqnoqotay, xaajadana si dhab ah loogu muujiyo xog kasta oo fududayn karna ay dhinacyadu ku qancaan go’aanka xeer-beegtida.

In isku tanaasul iyo wax isku-quudis lagu dabaqo hannaanka geeddi-socodka nabadda ee imminka socda,taasoo horseedi karta inay dhinacyadu ku qancaan garsoorka dhexdhexaadka ah ee labaduba ay qoorta u dhiibteen.

In taxgelin gaar ah la siiyo beelaha kale ee ay dadku kaga dhinteen dagaalladaasi ama kaga dhaawacmeen.

Waxay labada dhinac isku raaceen guddi ka koban 5 xubnood in loo saaro qaabka maamulayo lacagaha qaaraanka ah ee laga uruurinayo beesha Sade ee Nairobi iyo meelo kale, kuwaasoo kala xaajoonaya guddiga sare ee lacagahaas uruurinaya, kuwaso kala ah; (Yusuf Garle, Farxan Ciid), Axmed Xared, Cali Shirwac, iyo Maxamed Kudun).

Waana inaan nabadda wax sharuud ah lagu xirin, iyadoo la tixgelinayo soo jeedinta samadoonka ah ee gogosha u taallo Caabudwaaq, lana sii ambba-qaado dadaalka hufan oo Beesha Sade oo dhan ay maamul midaysan iyo iskaashi nabadeed waa taabbagal ah ku gaari karaan, gaar ahaan Gobollda Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Odayaasha Kulanka Nairobi Ka Soo Qaybgalay Waxaa Kamid Ah

 

Yusuf Maxamed Wacays – Gudoomiyaha Beesha Sade

Cali Shirwan Maxamed – Nabadoon

Farxaan Daahir Ciid

Maxamed Cabi Kudun

Axmed Warsame Maxamuud Fiqi

Maxamuud Oogle Guurre

Axmed maxamed xareed

Axmed Cabdisalam carrabey

Yassin Isse Wardere.

Yassin Cabdulle

Cabdinasir Sobbe Cilmi

Cabrisaaq maxamed Iiidle

Cabdirizaak axmed Gurey

Cabdinuur Awle faraax

Birre Xuseen Mire

Axmed Xuseen Mire

Daahir Aw Aden sh. Maxamuud

Deeq maxamed Cilmi

Cumar maxaed Ilaal

Deeq Shire maxamed Nuur

Axmed Faarax Filanwaa

Cabdirashiid xasan xayte

Cabdinuur Salad shabel

Xasan maxamed Xared

Cabdiweli maxamed Xareed..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com