Guddiga amniga ee Baarlamaanka iyo Wasiirka Amniga Qaranka oo ka arrinsaday Nabadgelyada

0

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, kaasi oo looga hadlayay arrimaha ammaanka iyo sida wax looga qaban karo beegsiga Xildhibaannada iyo dadka wax galka u ah bulshada.

Kulanka oo u jeedkiisu ugu weyn ahaa sidii ay u kala warqaadan lahaayeen Wasiirka Amniga iyo Guddiga amniga ee Baarlamaanka oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee xaga amniga, gaar ahaan howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada ka sameeyeen  qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir, kuwaasi oo lagu soo qab qabtay hub iyo rag ka tirsan kooxaha Nabad-diidka.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in kulanka looga hadlay howlgallada, adkeynta amniga iyo dabagalka maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya shacabka, si loo soo qabto.

Xildhibaabka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kulanka diiradda lagu saaray tayeynta cidamada marka ay sameynayaan howlgallada, ayna kala gartaan shacabka iyo kuwa cadowga ku ah, taasi oo wanaajin karta xiriirka shacabka iyo hay’adaha amniga.

Hay’adaha amniga ayaa waxa ay wadaan howlgallo isbada joog ah oo ay ku baadi goobayaan maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo ay jiraan tiro maleeshiyaad ah oo ay ciidamada gacanta ku dhigeen, kuwaasi oo ay xukunno dil ah ku riday Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, halka howlgalladaaasi sidoo kale lagu soo qab qabtay hub, Rasaas iyo Raggii hubkaasi haystay.