Faahfaahin Buuxda (9 Qodob Oo Ay Wada Sixiixdeen Celi Iyo Wagardhac) Iyo Hadaladii Ergadii Ka Hadashay Shirka Caabudwaaq

0

Caabudwaaq (AGGM) Shir ballaaran oo mudooyinkii dambe beelaha walaalaha ah ee Celi iyo Wagardhac uga soconayay magaladda Caabudwaaq ayaa waxa kasoo baxay qodobo wax ku ool ah oo heshiis buuxa ay kuwada gaareen beelaha walaalaha ah.

Walaalaha Maxamed Amaan Reer iyo Celi ayaa waxaa laga gaaray heshiis kama dambeeys ah oo looga hortagayo in wax dambe soo laabtaan.

Nabadoon Cali Wali Axmed oo ku hadlayay beesha Maxamed amaanreer ayaa ku dheeraaday wixii dhex maray labada beelood ee walaalaha ah ayaa yiri:

“Waxaan aad uga xumahay anaga oo walaalo ah in dhibaato keentay dhimasho iyo dhaawac ay nakala gaarto, beesha celi iyo wagardhac waa ay iska xigaan Sade intiisa kale waxaana leenahay daris iska xiga Sadaha kale wax wada cun gaar ah wixii dhib dhacay waxa keenay ardaal aan cidna aqoon oo kudhiiraday in uu dilo walaalkiis”. ayu yiri Cali xaaji.

Sidoo kale nabadoon Cali Xaaji oo u hadlay dhanka beesha Celi ayaa sheegay in ay heshiiskaan shalay lagaaray si buuxda u qaateen ayna fulin doonaan dhankooda.

” Waxaan cadeeynayna in aan qaadanay nabada iyo walaaleheena meel walba nooga soogurmaday warkooda, sida dowlada feradaalka ah iyo dadka kale ee nabada jecel, Waxaan si duuduub ah uqaadanay baaqa ay noosoo jeediyeen caaqiliinta Culimada hooyooyinka iyo dhamaan inta dhibka neceb, waxaan u sheegayna umada soomaliyeed ee jecel samadoonimada iyo in umada soomaliyeed gacmaha isqabsato.

Labada  nabadoon ee uhadashay labada beelood ayaa caddeeyay in ay nabad qaateen,  wixii maanta ka dambeeyana ay gacmaha isqabsadaan.

,Nabadoon Cali Xaaji ayaa intaas ku daray “Waxa dhimana haddii alle idmo gacanta dowlada iyo gacnta odayaasha iyo gacanta culimada iyo gacanta sama jeclaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada in aan uga danbeeyno,waxana soo afjarayna wixii dhacay”

Ugu danbeen xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ah gudoomiyaha nabadeeynta Beelaha Celi iyo wagardhac aya hoosta kaxariiqay in heshiiskaan soo idlaaday cidii jabisana sharciga lala tiigsan doono.

Ila wareedyo hoose oo aan helnay aya xaqiijinaya in shirkaan kii kahoreeyay in uu qadka teleefoonka uga qeyb galay RW hore Maxamed Cabdullahi farmaajo oo waxbadan kubiiriyay heshiiska.

Aqriso Qodabada oo dhamaystiran ee ay labada dhinac isla saxiixay:

1, In lagu wada dhawaaqay xabadjoojin buuxda

2, In Ciidamada Is horfadhiya laga saaro magalada ayna kukala laabtaan meelihii ay kakala yimaadeen.

3, In Magaladda Caabudwaaq laga dhigo meel hubka kacaagan oo aan lagu dhexwadan karin wax hub ah meelaha shacabku joogo

4, In wuxii dhacay oo dhiba laga gaaro xalwaara lana qabto shir dibu heshiisiin ah oo lagu xaliyo wixii kala gaaray beelaha walalaha ah

5, in hadda kadib qofkii qofdila asagana laqasaaso oo lamariyo dil waafaqsan shareecada Islaamka

6, in haddii gacan kudhiigluhu baxsado oo lawaayo meel laga radiyo Beesha uu kadhasya gacan kudhiiglaha waxa lagaraba 100 feef oo geel ah oo maga iyo 200 oo geel ah oo ganaax ah

7, In qofkii lagaado ama ladhawaco ama lasigo wuxuu lamid yahay qof ladilay beesha uu kasoo jeedo ruuxa arrintaas kukacay waxa laga raba 100 neef oo geel ah Yacni magtiisii oo dhamays tiran

8, Qoladii diida nabada iyo wada noolaashaha kana hurtimada Xasiloonida beesha Sade oo isku duuban waxay kuwada qaadi doonta dagaal ay udhantahay beesha Sade .

9, Qoladii kuduusha qolo kale wax allaale wixii beesha kale gaara oo dhaawac iyo dhimasho ah waxa masuuliyadaas qaadaysa beesha soo duushay, wixii ayada soogaray waxba laga sooqadi maayo waa kakac

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com