Dhageyso:Odayaasha Dhaqanka Gobolka Shabeelaha Hoose ”Madaxda Dowladda Waa Inay Dhowraan Dastuurka Dalka”.

0

Marka, AGGM: Odayaal Dhaqan iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha hoose oo maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa waxay ka soo horjeesteen xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay Xeer ilaaliya Guud ee Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse waxayna sheegeen in xil ka qaadistaasi ay ahayd mid Sharci daro ah oo ay ka dambeeyaan sida ay sheegeen Shaqsiyaad gaar ah.

Waxgaradka iyo Odiyaasha ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Sare ee Dowlada Soomaaliya iney ilaaliyaan Sharciga Dalka iyo iney si sax ah ugu dhaqmaan Dastuurka.

Sidoo kale waxa kulanka ka hadashay Binti Ibraahim oo ka mid ah Haweenka ka sojeeda Gobolka Shabeelaha Hoose waxayna Madaxda Dowlada Soomaaliya ugu baaqday iney ilaaliyaan Dastuurka Dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com