DHAGEYSO+Faah faahin:- Qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha oo sii kordhaya

0

Wararka  naga soo gaaray degmada Hodan ayaa sheegaya in qarax Bambaano uu ka dhacay kaasoo sababay khasaare soo gaaray dad halka ku sugnaa.

Qaraxa oo ahaa nuuca Bambaanada ah ayaa ka dhacay xaafadda Taleex ee degmadaasi Hodan, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday labo qof oo dumar ah.

Warar soo gaaraya warqabadka Shabakadda Allgalgaduud ayaa sheegaya in haweenka dhintay ay kamid ahaayeen kuwa ka shaqeynayay Nadaafadda.

Lama oga sababta loo beegsaday haweenkaasi ilaa hadda, sidoo kale ma jirto cid ka hadashay, waxaana dhinaca uu qaraxa ka dhacay laga maqlayaa dhawaqa baabuurta Ambalasta.

Ciidamada dowladda ayaa xiray waddooyinka, waxayna ridayaan rasaas ay dadka ku kala ceyrinayaan.

Xalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska KM4 weerar u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda iyo kooxo hubeysan.