Dhageyso: Taliyaha Howlgalinta Ciidamada Dawladda Ee Jubbooyinka Asad Cali Oo Kashifay Maleeshiyada Raaskambooni” Dagaalka Lagula Jiro Alshabaab Kuma Jiraan Raaskambooni Waa Been Abuur”.

0

Kismaayo (AGGM) Duleedka Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socdo dagaal xoogan leh oo u dhexeeya ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab. Ugu yaraan 17-ruux oo ka kala tirsan Kooxahii dagaalamay ayaa la qiyaasayaa inay ku dhinteen iska horimaadyadaas.

Deegaan lagu magacaabo Yaaq-raar oo 30 KM u jirta Aariboorka Kismaayo ayaa ahaa goobta dagaalada ugu culus ay ka dhaceen.

Taliyaha Howlgalinta Ciidamada DawladaAsad Cali  ayaa sheegay inay dagaalka sii wadayaan inta ay ka guulaysanayaan Alshabaab.

Taliyaha Howlgalinta Ciidamada Dawlada ayaa tilmaamay goobta ay dagaalada ka dhaceen ay ciidamadoodu la wareegeen.

Asad Cali ayaa beeniyey in ciidamada Raaskambooni aysan ku lug lahayn dagaalada halkaas ka socda, wuxuu sheegay in dagaalka ay ku lugleeyihiin ciidamada dawlada Soomaaliyeed ee ku sugan Jubbooyinka.

Raaskambooni ayaa looga bartay inay  dagaalada noocaasi ah ay iyagu sheegtaan, xittaa iyadoo aana ku jirin dagaalka. Haddaba xaqiiqda waxa ay tahay yaa qaaday dagaaladii ugu dambeeyay, mase jirtaa inaysan dagaalkaas ku lug lahayn Raaskambooni. Arrintaas si aad uga bogato wareysiga hoose dhageyso.

Taliyaha  ayaa sheegay inay dagaalka sii wadayaan inta ay Alshabaab ka sifeynayaan deegaanadaas.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com