Dhageyso: Celi Iyo Maxamed Amaanreer Oo Isla Qaatay Qodobo Dhabaha U Xaaraya Heshiis Buuxa

0

Caabudwaaq (AGGM) Sida aanu ku helnay warar naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq oo uu si dardar leh uga socdo shir lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah.

Shirkaas waxaa lagu soo bandhigay qodobo muhiim ah oo horudhac u ah, gogashana u xaaraya fadhiyada dambe ee lagu soo dhameynayo wax alaale wixii dhacay.Waxaana qaatay qodobadaas walaalaha Celi Iyo Maxamed Amaanreer iyo dhamaan beelaha kale ee SADE ee shirkaas fadhiyey.

Halkaan ka akhri qodobada shirka laga aqriyey oo la isla sixiixday

1)      Xabad Joojin Buuxda

2)      In Ciidamada La Kala Qaado

3)      In Hub Aan Lagu Dhex Qaadan Karin Caabudwaaq(Qodobkaan wuxuu quseeyaa beelaha SADE oo dhan ee degan Caabudwaaq)

4)      In La Joojiyo Wax Walba Oo Fadqalalo Kicin Kara Sida Propaganka , Hadalada Xanafta Leh Iyo War Xumatashiilka

5)      In La Furo Gole Dib U Heshiineed Oo Lagu Xalinayo Wixii Horey U Dhacay

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com