Dhageyso: Beesha SADE Oo Shirar Xasaasi Ah Leh Iyo Aayaha Beesha Oo Laga Shiray

0

Muqdisho (AGGM) Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen waxgaradka, aqoonyahanada, dhalinyarada, saraakiisha, Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha Sade ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si qotodheer loogu falanqeeyay midnimada, aayaha Beesha, iyo sidii wadada horumarka loogu dhaqaaqi lahaa.

Waxgaradka ayaa si buuxda uga hadlay dareenkooda ku aadan sidii ay beeshu ugu socon lahayd wadada horumarka iyo midnimada, islamar ahaantaasna looga bixi lahaa kala qeybsanaanta iyo midnimo la’aanta.

Dhamaantood waxay taageereen guddiyo 15 xubnood laga dhexqabto qeybaha bulshada ee SADE eek u nool Muqdisho, kuwaasoo oo qodob qodob u dul istaagi doona wax alaale wixii beesha ay ugu baahantahay midnimadeeda.

Kulanka waxaa daahfuray Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, waxaana goobta lagu arkayay dad magacweyn ku leh beesha dhexdeeda sida aqoonyahanka Cabdullaahi Xaashi.

Beesha SADE ee Muqdisho ayaa leh nidaam iyo kala dambeyn iyo iska warqab joogto ah, iyadoo beeshu ay awood muuqato ku leedahay horumarka iyo nabada Soomaaliya.

Halkaan Ka Dhageyso sida shirkaas uu u dhacay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com