DEG DEG: Saddex nin oo Al Shabaab ah oo saaka lagu toogtay Fagaaraha School Polozio

0

Fagaaraha School Polozio ee Degmada Xamar Jajab, waxaa saaka lagu toogtay saddex ruux oo dhawaan maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku riday xukun dil ah, kuwaasi oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saddexda nin ee saaka la toogtay ayaa waxaa lagu kala eedeeyay in labo kamid ah ragaasi ay dileen Maxamed-deeq Cabdi Aadan oo ahaa xisaabiye ka tirsanaa Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo Bishii Ramadaan intii lagu guda jiray lagu toogtay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ragaasi ayaa waxaa lagu kala magacabaa Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed, waxaana ay aheyd markii dhawaan labadaan nin ay qaateen racfaan ku aadan xukunka lagu riday, balse maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday labadaasi nin oo mid kamid ah xukun xabsi daa’in ah horay loogu riday, laakiin markii dambe maxkamada sare ee ciidanka xukun dil ah ku riday.

Sidoo kale ruuxa saddexaad ee la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xasan Muxudiin Xasan, waxa uu ahaa shaqsigii fududeeyay weerarkii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada dalka, halkaasi oo ay galeen xubno Al-Shabaab ka tirsan.

Goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha sar sare ee maxkamada ciidamada qalabka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo goobjoog u ahaa qaabka xukunka qisaasta uu udhacay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow, ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu fuliyay ragaan saaka lagu toogtay Magaalada Muqdisho.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dar-dargelisay xukunada lagu fulinayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ay maxkamada ay gacanta kusoo dhigto.