Dagaalo Mar Kale Ka Dhacaya Cabdalla-biroole iyo Buullo-xaaji

0

Kismaayo (AGGM) Dagaal qaraar oo aad u kulul islamar ahaantaasna jilbaha la isku dhigtay ayaa maalintii 3 wuxuu ka soconayaa duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo.

Deegaanada lagu dagaalamayo ayaa waxaa kamid ah Cabdalla-biroole iyo Buullo-xaaji. Dagaalka wuxuu u dhaxeeya ciidamo ay taageerayso Kenya, waxaana la soo sheegayaa in ugu Yaraan 30 qof ay ku geeriyoodeen.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa soo caawiyey ciidamada lug ah, waxaana la soo sheegayaa in goobihii ay qabsadeen Keenyaatigu ay dib isaga laabteen deedna Alshabaab ay mar kale qabsadeen.

Ciidamada Kenya ayaa ku jira dadaal hal bacaas lagu lisay ah, iyagoo aan haysan taageerada shacabka kaddibmarkii ay la safteen beel kamid ah beelo ku diraray Kismaayo, tannoo keentay in kalsoonidii ay kala laabtaan umada Soomaaliyeed ee gobolkaas degan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com