Bam Lagu Tuuray Kulan Amniga Loo Hadlayay Oo Afgooye Ka Socoyay

0

Afgooye(AGGM) Qarax ayaa hal mar ah laga maqlay goob ku taalla magaalada Afgooye oo uu kulan dhinaca nabadgelyada ah uga soconayay saraakiil ciidan iyo masuuliyiinta maamulka Shabeelaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca gacanta laga tuuro uu dhaawac ku soo gaaray dhawr xubnood oo uu kamidyahay  Cumar Max’ud Cilmi oo loo yaqaano Carabeey oo ah guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose .

Ma cadda sababta keentay in Kulan amniga looga hadlayo, isagiiba amni daro ay soo wajahdo.

Afgooye iyo deegaano kale oo Soomaaliya ka tirsan waxaa xilliyada qara weeraro iyo qaraxyo ka gaysta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com